Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah 29 May
Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Maanta oo aad Maalin kasta kala socotaan Warbaahinta YahyeNews.
Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso 31 sanno jirka qadka dhexe ee Chelsea iyo France N’Golo Kante. (The guardian)
Liverpool ayaa xiriir la samaysay 25 jirka garabka uga ciyaara France ee Ousmane Dembele kaas oo heshiiskiisa Barcelona dhacayo xagaagan. (Sport – Isbaanish)
Manchester United ayaa diyaar u ah inay ka dhigto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong, oo 25 jir ah, ciyaaryahanka ugu mushaarka badan isagoo qaata 395,000 oo ginni. (STAR)
Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 20 jirka daafaca uga ciyaara Ajax Jurrien Timber iyo 22 jirka weerarka uga ciyaara Benfica Darwin Nunez. (Mirror)
Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa wadahadalo la yeelan doona Conor Gallagher, oo 22 jir ah, ka hor inta uusan go’aansan mustaqbalkiisa. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Crystal Palace . ( Fabrizio Romano)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City Ilkay Gundogan, oo 31 jir ah, ayaa lagu wadaa inuu kala hadlo mustaqbalkiisa kooxda. ( 90min)

Comments
Post a Comment