Tababaraha Oo Uu Dhegaysan Waayey, Isla-weynidii Uu Sameeyey Iyo Manchester United Oo Ka Cadhootay Ficilkii Ronaldo Ee Shalay
Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyey in uu noqonayo tusaale xun oo si aan habboonayn uu uga tegayo Manchester United, kaddib ficillo laga cadhooday oo uu ku kacay intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee Axaddii ee Rayo Vallecano.
Soo laabashada Ronaldo ee Manchester United ayaa abuurtay hadal-hayn kale, waxaana la sheegay in uu iska dhego-tiray tababare Erik ten Hag oo uu diiday inuu dhegaysto 45kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, isla markaana aanu u hoggaansamin awaamiirtii tababaraha.

Ronaldo oo kusoo bilowday ciyaarta ayaa la fadhiisiyey qaybtii dambe, hase yeeshee iyadoo aanu tababaraha waxba u sheegin ayuu xidh-xidhay alaabtiisa oo uu garoonkaba ka baxay iyadoo ciyaartu 10 daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta.
Masuul ka tirsan Manchester United oo aan magaciisa la shaacin oo la hadlay wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, ayaa bannaanka keenay cadhada ka jirta gudaha qolka labbiska ee loo qabo Cristiano Ronaldo, waxaanu yidhi: “Ma ahayn wax fiican in uu waqti hore ka tago garoonka iyadoo wali kooxdu ciyaaraysa.
“Way kala duwan tahay haddii aad dusha sare fadhido ee aanad ciyaarta qaybta ka ahayn iyo marka aad ciyaartay ee aad kursiga kaydka fadhiisato.
“Waxa aad ka filaysaa qof ciyaaray qayb ka mid ah ciyaarta in uu ku sugnaado qolalka labbiska ciyaarta kaddibna uu dhegaysto hadalka tababarihiisa. Sidoo kale dad badan ayaa isaga arkayay markii uu baxayay, xataa taageereyaasha uma aanu sacabin markii ay ciyaartu dhamaatay.”
Wargeyska The Sun ayaa sheegay in Erik ten Hag aanu la dhacsanayn sida uu Ronaldo u ciyaarayay intii uu garoonka ku jiray oo uu ka cadhaysnaa, maadaama aanu laacibkani qaadanin amarradii uu siiyey iyo halkii uu ka ciyaarsiiyeyba.
Ten Hag ayaa la arkayay isaga oo gacmaha saydhinaya oo ka cadhaysan waxa uu Ronaldo samaynayo, sidoo kalena laacibkan uu marar badan u sheegayay in uu gudaha galo oo uu weerarka tooska ah ahaado, halka uu xiddiga reer Portugal na istaagayay meel aan ahayn halka tababaruhu u sheegay.
Heshiiska 37 jirkani uu kula jiro Manchester United ayay 12 bilood ka hadhsan yihiin, waxaana uu xagaagan isku dayay in uu ku qasbo in la iibiyo amaba la fasaxo, isaga oo ka hadhay safarkii ay kooxdu ku tagtay Thialand iyo Australia.
Manchester United ayaa diidday inay iibiso, hase yeeshee calaamadaha laga arkayay laacibkan maalintii Axadda ayaa la sheegay in ay ku kallifi karto Ten Hag in uu go’aan degdeg ah ka qaato laacibkan, si aanu uga qasin qaab ciyaareedka uu doonayo inuu hirgeliyo iyo kala-dambaynta qolka labbiska


Comments
Post a Comment